Baledweyne-(Puntland Post) Shacabka ku nool Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ay isugu darsoontay Colaad iyo Fatahaada webiga shabelle ee dhaxmara bartamaha Magaalada Baladweyne ayaa bilaabay inay ka barakacaan Magaalada gudaheeda, kuwaa soo xiligan ku dhibateysan deeganka Ceel jalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.
Dhanka kale Dagaal Culus ayaa maalintii Saddexaad ka socda Xaafadda Howlwadaag ee Magalaada Baladweyne iyado dagaalkan uu dhexeyo labo beelood oo wada dega galbeedka Gobolka Hiiraan
Inta badan Webiga ayaa fatahaad xoogan sameeya xilli roobaadka inta lagu guda jiro iyadoona fataahadda ay saameyso qoysaska Soomaaliyeed ee degan Webiga Jiinkiisa.
Dadkaasi Barakaca uu soo food saaray ayaa u baahan gacan iyo saacidaad xilli dhawaan ay ka soo kabsanayeen abaaro iyo Biyo la’aan markii uu Webigu guray.
PUNTLAND POST
The post Baledweyne oo Shacabkii uga barakaceen Fatahaada Wabiga iyo colaada ka taagan Magaalada appeared first on Puntland Post.