Muqdisho-(Puntland Post) Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la hakiyay kulan golaha baarlamaanka uu cod ugu qaadi lahaa hannaanka doorashada ee Soomaaliya ay ku tallaaba qaadeyso bisha August ee soo socota.
97 Xildhibaan oo soo xaadiray fadhigaasi, ayaa wuxuu qorshuhu ahaa inay codka kalsoonida u qaadaan hannaanka doorashada, ee ay saxiixeen Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, iyadoo maalmihii la soo dhaafayna ay doodo ka lahaayeen Xildhibaanada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanadu waxa ay kalsoonida u qaadayaan inay tahay masiirkii shacbiga Somaliyeed, iyadoona uu soo jeediyay inay muhiim tahay in laba cisho la suggo Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo kulan uu uga socdo Magaalada Muqdisho.
Guddiyo ka tirsan baarlamaanka ayaa wax ka badalay hannaankaasi, waxaase arrintaasi ka horyimid madaxda Dowlad goboleedyada qaarkood.
Soomaaliya ayaa la filayaa in ay doorasho ka dhacda bisha August ee sandkan balse waxaa soo baxaya walaac laga qabo in doorashadaasi ay dib u dhacdo.
puntland Post
The post Shirkii Baarlamanka Somalia ee Geedi-socodka Doorashada oo la Hakiyay appeared first on Puntland Post.