Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatooyin baryihi Ugu danbeyey ka jiray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, dhibaatooyinkaas oo iskugu jira Dagaalo beeleedyo ka dhacay magaalada iyo Fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabelle.
Afyaheenka Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdisalaan Axmed Caato oo Maanta saxaafada ku la hadlay Xafiiska raysul wasaaraha xukuumada soomaaliya ayaa sheegay in xukumada soomaaliya baaaq udireyso Dadka Ganacsatada iyo beesha caalamkaba in Gar gaar Deg deg ah la gaaraaan Dadka Ku dhibaateesan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
Cabisalaan Caato ayaa sido kale sheegay Xukumada Soomaliya ay ka qayb qaadanayso sidii dadkaas gar gaar loo gaarsiin lahaa waxa uuna xusay in Xukumada Ay dhawaan dadkaa Gaarsiin Doonto Daawooyin iyo Deeqo kale.
Magaalada ayaa dhawaan waxaa ka jiray dhibaato aad u fara badan iyadoo iminka ay dadkii isaga qaxayaan magaladaas kadib markii biyo aad u badan ay soo galeen magaalada.
Saciid Xasan
Punland Post
Muqdisho, SO
The post Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dhibaatooyinka ka jira Beledweyne appeared first on Puntland Post.