Gen Cali Barre Xirsi Cali Gaab oo Ahaa Taliyihii Qaybta Guud Ee Gobalka Banaadir Oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay In uu iska Casilay Shaqadii uu Hayey.
Cali Gaab ayaa Mar wax laga waydiiye Sababta keentay In uu iskaga Tago shaqada ku Macneeye In aysan Jirin Cid Ku Qasabtay In uu Xilka ka Dago Islamarkaana uusan Cidna Dacwo ka aheyn.
Cali Gaab ayaa Sido kale Xusay in uu Soo Qabtay Shaqo wanaagsan Islamarkaana Uu la shaqayn Doono Laamaha Amniga Dalka
Ilaa Hadda Lama Oga Sababta ka Danbeysa Is Casilaada Cali Bare Xirs Cali Gaab Taliyihii qaybta Guud Ee Gobalka Banaadir.
Saciiid Xasan
Puntland Post
Muqdisho
The post Taliyihii Booliska Qaybta Guud Ee Gobalka Banaadir oo is casilay appeared first on Puntland Post.