
Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Golaha Wasiirada ee uu dhowaan magacaabay.
Kulanka ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo dardaaran shaqo, waxaana sidoo kale kulankan qeyb ka ahaa labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wasiirada u jeediyay hadal bogaadin iyo dhiiri gelin isugu jira, waxaana madaxweynaha uu Golaha wasiirada kula dardaarmay inay si cadaalad ah ugu adeegaan Jubbaland.
Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in dhowaan la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka si ay codka kolsoonida ugu qaadaan.
The post Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Golaha wasiirada JL appeared first on Puntland Post.