Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Jubbaland oo markii ugu horeysay la kulmay Golaha Wasiirada cusub

$
0
0

Kismaayo-(Puntland Post) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa markii ugu horeysay la kulmay Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Jubbaland

kulankaasi oo ka dhacay  Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa isugu jiray Isbarasho iyo in la isku dhiirageliyo shaqooyinka Dowlada.

Axmed Madoobe ayaa wasiirada uu la kulmay wuxuu kala hadlay howlaha horyaala maadaama muddo badan isaga laga sugayay inuu soo dhiso wasiiradiisa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay wasiirada uu la kulmay iney wax badan ka qabtaan howlaha horyaala ayna ka dhabeeyaan balanqaadka ay sameeyeen wasiirada.

Dhankooda Golaha Wasiirada Cusub ee Jubbaland ayaa balan qaaday inay sameynayaan dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqooyinka loo igmaday, islamarkaana ay san jiri doonin habacsanaan.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Maamulka Jubbaland.

3

2

1

4

5

7

6
PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubbaland oo markii ugu horeysay la kulmay Golaha Wasiirada cusub appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>