Washington-(Puntland Post) Dawladda Maraykanka ayaa mar kale soo saartay digniin ay muwaadiniinteeda uga digayso Soomaaliya.
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay weli sii socoto khatarta ka imaanaysa Al Shabaab oo xidhidhka la leh Al-Qaacida, Sidaas darteed waxay muwaadiniinta Mareykanka ah ku wargelisay in ay ogaadaan khatarta afduubyada dhamaan gudaha Somalia oo ay Somaliland iyo Puntland ku jiraan.
Bayaankan, ayaa lagu xusay in Mareykanka aanu ku lahayn Somalia Safaarad si Rasmi ah uga hawl-gasha, iyadoo Digniintaan cusub ay bedelayso digniin Dawladda Mareykanka ay hore u soo saartay bishii 01-dii Oktoobar, 2015-kii.
Sidoo kale, War-saxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in Somalia aaanay weli ka jirin Xaalad amni oo la isku halleyn karo, Kooxaha Argagaxisada ah ee Soomaaliya ka hawl-galana ay weerarro joogto ah la beegsadaan xukuumadda Soomaaliya, AMISOM iyo dhinacyada kale aan ciidamada ahayn.
PUNTLAND POST
The post Maraykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.