Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Uganda ee Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Uganda u fadhin doona dalka Danjire Prof Sam Tulya Muhika.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.

Madaxweynaha Somaliya iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada tababarka Ciidammada, tababarka Shaqaalaha Rayidka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan iyo mahad celin ka gaarsiiyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Danjire Prof Sam Tulya Muhika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono wadashaqeynta labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

MD1

MD3

MD4

MD2
PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Uganda ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>