Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad lagu maamuusayay 25-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay qawmiyadaha Ethiopia iska dul qaadeen xukunkii kaligii taliska ahaa ee Mingiste Xayle Maryam, kaasi oo sanado badan xukumayey ethiopia.
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabsiay qunsuliyadda Dawladda Ethiopia ay ku leedahay Puntland gaar ahan caasimadda Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, Jaaliyadda ethiopia ee ku nool Puntland, aqoon yahano, odayaasha dhaqanka, arday, haween iyo qaybaha kale ee bulshada, waxayna dhamaantood farxadda iyo damaashaadka la qaybsadeen qowmiyadaha kala duwan ee Ethiopia oo 25-sano kadib u dabaal degaya horumarka ay ku tallaabsadeen.
Qunsulka Dawladda Ethiopia ee Puntland Mudane Asmalaash ayaa madaxda iyo shacabka Puntland kusoo dhoweeyey maalintan aadka ugu weyn qowmiyadaha kala duwan ee Ethiopia, wuxuuna uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay farxadda ula qaybsadeen.
Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa shacabka iyo Dawladda Ethiopia kubogaadiyay horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen 25-sano kadib, waqtigaas oo ay iska tuureen xukunkii kaligii taliska ahaa ee Mingiste Xayle Maryam.
–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
The post Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland oo Garowe Kaga Qayb Galay Munaasabadda Xuska 25-aad oo ku beegan Markii xukunka laga tuuray taliskii Itoobiya ee Mingiste appeared first on Puntland Post.