Waxaa maanta 28-May-2016 lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Wasiir ku-xigeenka Caddaadda Puntland Yuusuf Bootaan Ciise oo dhowaan uu xilkaasi u magcaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Munaasabadda dhaarinta Wasiir ku-xigeeka Caddaaladda dawladda Puntland ayaa waxay ka dhacday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dhaarinta ka dib kula dar-daarmay Wasiir ku-xigeenka in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo arrimaha caddaaladda.
“waxaan kugula dar-daarmayaa sida aad u dhaaratay in aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo kaa weecinaya gudashada waajibaadkaaga ”ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Camey.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Eebe uga baryey Wasiir ku-xigeenka in uu u fududeeyo xilkaasi culus ee loo igmaday , isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Wasaaradda Caddaaladda Arrimaha diinta iyo dhaqan celinta ee Puntland.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA. HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND
The post Warbixin: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Puntland oo Saaka la dhaariyey appeared first on Puntland Post.