Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kenya oo weli qarinaysa dhacdadii Ceel-cade, Telefishinka CNN oo helay xog dheeri ah

$
0
0
Askartii Kenya ee wax ku noqtay dhacdadii Ceel-cade 15-kii janaayo 2016
Askartii Kenya ee wax ku noqtay dhacdadii Ceel-cade 15-kii janaayo 2016

Gumaadkii ciidamada Kenya kaga dhacay Ceel-cade 15 janaayo 2016 waxa uu ku bilaamay gaari qarax wada oo lagu dhuftay albabka hore ee xeradaas. Kadib maleeshiyaad aan tiradooda la garanayn ayaa horay u galay xeradaas waxa ayna fureen xabadu aan tiro lahayn.

Halkaas waxaa ka dhacay toogasho loo geystay ciidamadii Kenya ee xeradaas ku jiray waxayna qaadatay maalin dhan. Sida uu soo xigtay telefishanka CNN waxaa kenya xeradaas kaga dhintay 141 askari.
Laakiin dhacdadaas kadib wax faahfaahin ah lagama maqal dhinaca Kenya, mana la sheegin sida wax u dhaceen marka laga reebo Video  ay soo daayeen kooxda Al-shabaab oo ay u isticaalayeen dacaayed.

Inta Askeri ee Kenya kaga dhimatay xeradaas weli ma cadayn dowladda Kenya. Al-shabaab waxa ay sheegteen in ay dileen 100 askari, Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in Xeradaas ay ku jireen 200 oo Askari.
2 sargaal oo ka shaqaynayey ururinta xogta iyo meydadka dhacdadii Ceel-cade waxa ay telefishinka CNN u xaqiijiyen in halkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 141 askari.

Source: CNN

The post Kenya oo weli qarinaysa dhacdadii Ceel-cade, Telefishinka CNN oo helay xog dheeri ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles