Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Turkiga oo ku Soo Wajahan Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa lagu wadaa in uu maalinta Jimcaha ah uu booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho, iyadoona ay Dowladda Federaal Soomaaliya diyaargarow ugu jirto soo dhawayntiisa.

Madaxweyne Erdugan ayaa imaatinkiisa lagu sheegay in uu xarriga ka jaro safaaradda Turkiga uu ka dhisay Muqdisho taasoo ah safaaradda ugu weyn ee Qaaradda Afrika uu ku  leeyahay Turkigu.

Diyaar-garowga imaantinka madaxweyne Erdugan ayaa  si aada looga dareemayaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu la kulmi doonaan madaxda sidda Dowlada Federaalka Soomaaliya sida dhiggiisaee Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida laga soo xiganayo saraakil ka tirsan dowladda Turkiga waxaa maanta lagu wadaa in ay maagaalada Muqdisho soo gaaraan ilaalada madaxweynaha dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Wafdiga maanta lagu wado in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay hor u dhac u yihiin madexweynaha Turkiga oo lagu wado in uu Soo gaaro  maalin jimcaha magaalada Muqdisho.

Waa markii Seddaxaad haddii madaxweyne Erdugan uu yimaado Muqdisho tan iyo sannadkii 2011-kii xilligaas oo isaga iyo qoyskiisa ay u yimaadeen muqdishoa siddii loo caawin lahaa dadkii abaaraha ku xoola beelay.

25-kii bishii January ee sanadkii hore, ayay ahayd markii uu xariga ka jaray dhismo cusub, oo Turkigu uu ku soo kordhiyay Garoonka Aadan Cadde.

The post Madaxweynaha Turkiga oo ku Soo Wajahan Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>