Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Soomaali 61 jir ah oo imtixaanka dugsiga sare u fariistay Sanadkan

$
0
0
dugsiyda sare ee degmada Balcad
dugsiyda sare ee degmada Balcad

Axmed Maxamad Cali Saney oo da’diisa lagu qiyaasay 61 jir ayaa sanadkan kamid noqday ardayda u fariisatay imtixaanka kama danbeysta ah ee dugsiyda sare ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxa ay ahayd arrin dad badan ka yaabisay markii sawiradiisa isagoo imtixaanka u fadhiya lagu baahiyay baraha bulshada.

Axmed Saney ayaa u muuqda nin ka faa’iideysanaya fursada uu wali u haysto in uu waxbarto, waxa uuna ninkan odayga ah raja weyn ka qabaa in uu ka mid noqdo ardayda ku biireysa jaamacadaha sanadkan si uu waxbarashadiisa halkaas uga sii wato.

Soomaaliya waxaa dhif iyo naadir ah in qof da’daa jira uu tago dugsiyada aasaasiga ah ee waxbarashada iyadoo Soomaaliya ay meel sare kaga jirto dalalka aanay inta badan dhalaanku fursad u helin waxbarashada.

PUNTLAND POST

The post Soomaali 61 jir ah oo imtixaanka dugsiga sare u fariistay Sanadkan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>