Muqdisho-(Puntland Post) Wararkii ugu dabeeyey ee aan ka helayno Hotel Ambassador Muqdisho ayaa sheegaya, in ciidamada ilaalada Hotelku ay toogasho ku dileen mid kamida kooxaha Hotelka soo weeraray.
Wararku waxay sheegayaan in kooxaha werarka soo qaaday ay gaaraayeen illaa 3 ruux oo uu ku jiro kan la toogtey.
Dhanka kale Ciidamada amaanka ayaa hawl galo xoogan kawada gudaha Hotel Ambassador si ay usoo badbaadiyaan Dadka gudaha ku godoonsan.
Hotel Ambassador ayaa kamida hotelada ugu caansan magaalada Muqdisho, wuxuuna u dhow yahay isgoyska caanka ee KM 4.
weli si dhaba looma ogaan karo inta uu le,eg yahay khasaaraha uu werarkani geystay.
Wixi War ah ee Kusoo Kordha kala soco Puntland Post Insha allah
Saciid Xasan
Puntland Post
Muqdisho
The post Warkii u danbeeyey: Ilaalada Hotel Ambassador oo toogtey mid kamida kooxda soo weerary iyo hawl-gal socda appeared first on Puntland Post.