Muqdisho, (Puntland Post) — Xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday weerarkii gelikii dambe ee maanta lagu qaaday huteelka Ambaasador ee Muqdisho.
Wakaaladda Wararka SONNA oo ku hadasha afka dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa goor dhow baahisay magacyada labada Xildhibaan ee lagu dilay weerarkaas.
Xildhibaannadan oo lagu kala magacaabo Maxamed Maxamuud Guure iyo Cabdullaahi Jaamac Kaboweyne ayaa ka mid ahaa in ka badan toban qof oo lagu dilay weerarkii lagu soo qaaday Hotel Ambassador.
Dhinaca kale isbitaalka Madiina ayaa la gaarsiiyey maydadka in ka badan toban qof, halka lagu soo warramayo in uu dhaawucuna ka badanyahay 50 qof.
Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyey in la soo badbaadiyay dad ay ku jireen guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur oo qaba dhawac fudud oo lugta ka soo gaaray, waxaa kale oo dadka la soo badbaadiyey ka mid ah Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaan Maxamed Cumar Macloow, Xildhibaan Cabdullaahi Dayib iyo Xildhibaan Maxamed Xirsi Ducaale.
PUNTLAND POST
The post Labo Xildhibaan oo ku geeriyooday weerarkii Hotel Ambasador appeared first on Puntland Post.