Muqdisho-(Puntland Post) Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo taliyaha Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa gaaray Hotel Ambassador, iyaga oo si wadajir ah u wada qiimeynta xaalada iyo qasaaraha ka dhashay weerarka.
Wasiirada iyo taliyaha NISA ayaa qol qol u galaya hotelka si ay u ogaadaan qasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah iyo xubnaha kujiray dowlada ee weerarka wax ku noqday
Wasiirada iyo taliyaha NISA oo Warbaahinta kula hadlay Dhismaha Hotelka Ambassador ayaa ka warbixiyay sidii uu weerarka u dhacay iyo sida ay Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ugu guuleesteen soo afjarida weerarkan oo saacado badan qaatay, waxa ayna sheegeen ragii Hotelka weeraray in ay gaarayeen ilaa afar dagaalyahan.
Meydad hor leh ayaa laga soo saaray Hotelka, waxaana waalidiinta loo fasaxay inay eegaan meydadkaasi, hadii ay ku jiraan caruurtooda, maadaama Hotelka Banaankiisa ay buuxaan waalidiin badan oo ubadkooda ay ka maqan yihiin qaarkood.
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha NISA oo gaaray Hotel Ambassador appeared first on Puntland Post.