Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Gaashaan ayaa si toos ah ula wareegay gacan ku haynta Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho oo ilaa iyo xalay qaraxyo iyo rasaas laga maqlayey.
Ciidamada Gaashaan ayaa toogasho ku dilay kooxihii weerarka soo qaaday sida ay qortay wakaalada wararka ee SONNA oo ku hadasha Afka Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa soo badbaadiyeen Dad ku xanibnaa Hotelka gudihiisa oo wararka ay sheegayaan Dumar iyo caruur inay ku jiraan.
Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in Hotelka gudihiisa laga soo saaray meydad badan oo Hotelka dhex yaalay.
Masuuliyada weerarkaas waxaa Sheegatay Ururka Al-shabaab.
Laamaha ammaanka Dowladda Federalka Soomaaliya weli faah-faahin kama aysan bixin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Hotelka.
Siciid Hassan
PUNTLAND POST
Muqdisho
The post Ciidamada Gaashaan oo soo Afjaray weerarkii Hotel Ambassador appeared first on Puntland Post.