Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dood cilmiyeed looga hadley soo xulidda xildhibaanada Federaalka oo Qardho lagu qabtey

$
0
0

Mac-hadka Cilmibaarista iyo Daraasaadka Siyaasadda ee Hayaan ayaa habeenimadii Arbacada ee 01 Juun magaalada Qardho ku qabtey dood cilmiyeed looga hadlaayey Doorashada 2016.

Doodan waxaa ka qaybqaatey Aqoonyahanka kala ah:

  1. Rooble Daahir
  2. Prof. Cabdulqaadir Cali Siciid
  3. Muuse Cali Jaamac
  4. Gen. Yaasiin Cumar Dheere.

Waxaa dood cilmiyeedka ka soo qaybgalay marti sharaf metalaayey qaybaha bulshada kuwaas oo su’aalo weydiiyey aqoonyahankii barnaamijka martida u ahaa isla markaana ka dhiibtey faallooyin doodii meesha ka dhacdey.

Dood cilmiyeedka ayaa diiradda lagu saarey:

  • Muxuu yahay sifooyinka laga doonayo xildhibaanka loo baahan yahay? sidee ayuu ku heli karaa metalaad dhab ah?
  • Doorka oday dhaqameedyada oo heshiiskii Abril 12 uu siiyey soo xulista ergooyinka dooranaya Xildhibaanka.
  • Qaabka uu ku imaan karo Musharaxa xildhibaanka doonaya, is waafajinta doorasho dadban iyo nidaamkii hore loo isticmaali jirey
  • Doorka haweenka 30% sida ay ku heli karaan, iyo qodobo kale oo muhim ah

Muhimadda dood cilmiyeedka ayaa ahayd in la fahmo heshiiskii 12 Abril ee Madasha sare, iyada oo ay hadda taagan tahay isla markaana magaalooyinka qaar ay soo buux dhaafiyeen musharxiin raadinaya Xildhibaano kuwaas oo durba qaarkood u mareen waddooyinkii hore saxiixyona ka doontey oday dhaqameedyada.

Dhamaan ka qayb-qaatayaasha dood cilmiyeedka ayaa isku raacay, in aan weli laga bixin nidaamkii 4.5 laakiin habkan cusub ee Ergooyinku wax dooranayaan uu yahay bilow wanaagsan. Odoyaasha dhaqanka ayey kula taliyeen in ay keenaan ergooyin wanaagsan oo soo saari kara xildhibaanka loo baahan yahay.

Muuse Cali Jaamac oo ka mid ahaa  aqoonyahanka barnaamijka martida u ahaa ayaa sheegay in Bulshada looga fadhiyo in ay soo xulaan Xildhibaan hiigsan kara meel sare sida ay horey ugu soo xuleen Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqdey Raysalwasaarihii u horeeyey ee Soomaaliya, maantey oo caqli iyo cilmi dadka u siyaadey loo baahan yahay in ay keenaan Xildhibaano karti, aqoon iyo waaya aragnimo lagu soo xulay. Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa doodiisa ku saleeyey in tartanka loo sinaado si Xildhibaan wanaagsan oo aan lagu xirin beel hebla ayaa iska leh beel heblana waa ka xaaraam, taas oo ka hor imaanaysa tartanka doorashada dadban.

Rooble Daahir ayaa isagu doodiisa ku sheegay in uu u qaybinayo laba qaybood oo kala ah:

  • In Odoyaasha dhaqanku ay ku ekaadaan doorkooda oo ah in ay soo xulaan ergooyinka ka imaanaya jilibyada beesha sida uu qabo heshiisku, isla markaana keenaan ergooyin kala sari kara musharixiinta iyaga oo aan ku dooran dano shakhsiyadeed ee ay soo saaraan qof ku yimaada metaalad rasmi ah.
  • In aan cadaadisa la saarin Musharaxa doonaya xildhibaanka, kaas oo la xiriira nidaamyadii hore beeshu ugu dhaqmi jirtey ee la tixgeliyo qiimaha musharaxa iyo awoodiisa shakhsiyadeed.

Prof. Cabdulqaadir Shiine ayaa sheegay in ay markii u horeysey ay tahay in Xildhibaanka lagu soo xulo doorasho dadban taasna ay tahay horumar, laakiin waxkasta ay ku xirmayaan ergooyinka doorashada.

Marti sharaftii kale ee ka soo qayb-gashey doodda oo su’aalo iyo faallooyin uga qayb-qaatey doodda, ayaa qaarkood wel-wel ka muujiyeen in nidaamkan cusub uu keeno Jaahwareer, waxaana ka mid ahaa dadkii wel-welka muujiyey Nabadoon Abshir Dhegcas.

Dood cilmiyeedkan oo ah kii u horeeyey oo niiciisa oo kale laga yeesho kadib heshiiskii 12 Abril ayaa natiijadda dooddu noqotey haddii la helo ergooyin cod xanaabarayaal ah oo hufnaan lagu soo xulay, isla markaana aan Musharaxa cadaadis la saarin in uu soo bixi karo Xildhibaan wanaagsan oo haysta metalaaad rasmi ah, isla markaana guul u horseedi kara bulshada uu metalayo.

Mac-hadka Cilmibaarista iyo Diraasaadka Siyaasadda ee Hayaan ayaa xaruntiisa u weyni ku taala magalada Garoowe, waxaana uu dood cilmiyeedyo kala duwan oo qaarkood uu ka qayb-qaatey Madaxweynaha Puntland ku qabtey magalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso.

IMG_0421 IMG_0427 IMG_0446 IMG_0453 IMG_0456 IMG_0458 IMG_0481 IMG_0484 IMG_0487 IMG_0499 IMG_0507 IMG_0509 IMG_0513 IMG_0538 IMG_0548 IMG_0570

The post Dood cilmiyeed looga hadley soo xulidda xildhibaanada Federaalka oo Qardho lagu qabtey appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>