Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Turkiga oo maanta laga sugaayo Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(Puntland Post)-Maanta oo jimce ah waxaa laga sugayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Madaxweynaha Dalka Turkiga RacepTayyip Erdoğan, oo booqasho rasmi ah ku imaanaaya Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan oo Magaalooyinka Kampala iyo Nairobi kulamo kula soo qaatay Madaxda Dalalka Uganda iyo Kenya ayaa socdaalkiisa xiga ku imaanaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana la filayaa boqashadiisa oo qaadan doonta hal maalin inuu kulamo la qaadan doono Madaxda Dawlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulada Dalka, kalana hadli doono dib u dhiska Soomaaliya, iyo Xiriirka soo jireenka ee labada Dal.

Waa Markii sadexaad oo uu booqasho ku yimaado Madaxweynaha Turkigu Magaalada Muqdisho tan iyo 2011 oo ahayd markii abaartii banayd ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana wadooyinka lasoo dhoobay Ciidamada Dawlada iyo kuwa AMSIOM iyadoo la xiray wadooyinka qaar.

Puntland Post

 

The post Madaxweynaha Turkiga oo maanta laga sugaayo Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>