Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo u Dhoofay Imaaraadka Carabta, Kana Hadlay heshiiskii Muqdisho

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay Dalka Isutaga Imaraadka Carabta,  ka dib markii uu martiqaad rasmi ah uu  ka helay amiirada  Xukumada dalkaasi.

Safarka Madaxweynaha oo uu ku weheliyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda C/laahi Jaamac Saalax iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska madaxtooyadda Puntland ayaa ku qotomo mashaariic ballaaran oo ay ka mid tahay ballaarinta Dekeda magaaladda bosaso uu la soo saxiixan doono dowladda imaraadka Carabta.

Madaxweynaha puntland oo maanta dib uga soo laabtay Shirkii Madasha Qaran ee doorashadda 2016 oo ka socday Magaaladda muqdisho, waxaa uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Bosaso, halkaasi oo uu kula kulmay Qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda iyo Taliyayaasha Ciidamadda Booliska, ciidamada Badda iyo ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee PSF.

“ Shirkaas oo muddo 5 berri ka socday magaaladda Xamar wuxuu ku soo dhamaaday si guul ah, wax badan ayaa laga wada hadlay, wax badana waa la isku afgartay, waxaana ka soo baxay  warmurtiyeed dhowr iyo tobon qodob ka kooban, kana hadlaayay qodobadii muhiimka ahaa ee laga wada hadlay iyo sidii loogu heshiiyay iyo barnaamijka dhamaystirkiisa inta laga gaarayo Bisha August 2016 oo la rajaynayo in isbedel dowli ah inuu Somaliya ka dhaco” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland waxaa kaloo uu ka hadlay shir kale oo 22 bishan lagu qaban doono magaaladda Baydhabo kaasi oo uu sheegay in  lagu dhamaystiri doono qodobo ay ka mid yihiin maqaamka Casimadda  muqdisho .

Gees kale , Madaxweynaha Puntland wuxuu isla maanta u dhoofay Dalka Imaraadka Carabta,  Waxaana shirkiisii jaraa’id ee uu ku qabtay garoonka bosaso uu faahfaahin kaga bixiyay  ujeedada Safarkiisa, isagoo sheegay inuu dowlada dalkaasi kala soo hadli doono mashaariic hore loogu ballanqaaday.

“ Casuumad rasmi ah ayaanu ka helnay dowladda imaaradka, waxaanuna ka wada hadli doona mashaariic hore imaaraadku noogu ballanqaadeen iyo howlo la xiriira arrimaha nabadgelyada iyo diafaaca, waxaana rajaynayaa muddo saddex Maalmood ah inuu safarkaygu qaato”.

Madaxweynaha Puntland ayaan kaga hadlin safarkiisa Imaaraadka Carabta,  Ganacsigii xoolaha nool ee loo dhoofin jiray Dalka imaaraadka Carabta, kaasi oo muddo dheere xayirnaa,  iskudayo iyo booqashooyin kale duwan oo wasiirka Xanaanada xoolaha somaliya Siciid Xuseen ciid iyo Qaar ka mid ah ganacsatadda Puntland ay ku tageen dalka imaraadka carabta uu fashil ku dhammaaday.

Gabagabadiii, Madaxdweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  waxaa ugu baaqay bulshadda Reer Puntland ay ilaashadaan amnigooda, waxaana uu tilmaamay in rajo weyn ay jirto oo ay ka mid yihiin isbedel ka dhaca somaliya iyo mashaariic farabadan oo dhawaan laga bilaabi doono Dalka.
DSC_0173 DSC_0174 DSC_0180 DSC_0188 DSC_0210 DSC_0219 DSC_0226
DSC_0287

The post Madaxweynaha Puntland oo u Dhoofay Imaaraadka Carabta, Kana Hadlay heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>