Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xubnihii Somaliland uga Qaybgalayay Golaha Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Xulkoodu ka Bilaawday Hargaysa

$
0
0

Waxaa nasoo gaartay oo xaqiijinay in magaalada Hargaysa ay si qarsoodi ah uga bilaabantay xulkii xubanaha la rabo in Somaliland ay u metelaan golaha sare  ama guurtida “Upper House” ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno aad ugu dhowdhow madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxay noo xaqiijiyeen in kooxda madaxwaynaha (damujadiid) iyo kooxda Keyse Iidle Saleebaan oo horay u ahaan garyaqaanka guud ee Somaliland, dhawaana Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare koox uu katirsanaa oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaga oo is kaashanaya qorsheeyeen in ay golaha sare ee baarlamaanka Soomaaliya helaan tirada ugu badan (aqlabiyada), ugu yaraan 36 xubnood oo kamida 54 ka xubnood ee golaha oo ah sadex meelood labo (two third).  Waxay u arkaan in golaha sare u leeyahay qiime siyaasadeed iyo qiime istiraatiijiyadeed oo aad u wayn, hadii ay arinkaa ku guuleystaana ay sababayso in awooda siyaasadeed ee dalka ay ayaku kootaystaan ugu yaraan mudada 20-ka sano ee soo socda. Waxa la qorsheeyay in awooda la saaro sidii loo heli lahaa xubnaha kasoo jeeda Somaliland oo loo arkay hadaf si sahlan loo xaqiijinkaro.

Waxa ay noo xaqiijiyeen xubno ka mida labada dhinac ee ku heshiiyay qorshahaan qarsoon in sadex wadaad loo xilsaaray xulka xubnaha golaha sare uga qaybgelaya Somaliland oo tiradiisu dhantahay 11 xubnood, Sadexdaa wadaad oo laba kamid ahi Hargaysa deganyihiin, ka kalena u badan yahay Muqdisho, waxaa ay dhamaan kasoo jeedaan beesha isaaq gaar ahaan Habar-jeclo, Garxajis iyo Habar-awal. Waxaa magacyadooda lagu sheegay; Axmed Sh. Abduraxmaan Sh. Bashiir (Habar-jeclo), Cabdusalaan Muuse Cali (Garxajis) iyo Xasan Cabdusalaan (Habar-awal). Axmed Sheeq Abduraxman Sheeq Bashiir, Waxa la xaqiijiyay in arinku si qarsoon u socdo oo gabagabo yahay. Waxa kale oo la xaqiijiyay in liiska duqayda ee baarlamaanka hada jooga soo xulay la rabo in meesha laga saaro, gaar ahaan duqayda ka soo jeeda Somaliland.

Xubnaha la xaqiijiyay in lagu heshiiyay waxa ka mida, nin Somaliland horay xil ugasoo qabtay oo ahaa wasiirka dib-u-dajinta xiligii uu madaxwayne Riyaale talinayay oo la dhaho Abshir Axmed Xasan. Labada kooxood ee qorshahaan qarsoon ku heshiiyay waxaa ay isku raaceen in aad iyo aad la iskugu howlo dhaqaalena lagu bixiyo in Abshir loo doorto Gudoomiyaha golaha sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa aan baaray, aadna isugu howlay, in aan wax xog ah ka hello, wadaadahaan loo xilsaaray xulka xubnaha golaha sare uga qaybgelaya Somaliland iyo Abshir oo la rabo in gudoomiye looga dhigo golaha. Waxaan nasiib u heley in aan aqriyo xog badan oo ku kaydsan data base-yada bulshada caalamku isku waydaarsadaan xogaha xasaasiga ah ee la xariira argagixisada, xagjirnimada, burcad-badeeda, muqaadaraadka, denbiyada iwm. Waxaan ku guulaysanay in aan midkasto ka helo xog aad u tira badan oo aan la gusoo koobi Karin maqaal keliya. Sidaa daraadeed, waxaan aqristeyaasha usoo hormariyay xogta aan ka aruurinay midka la rabo in uu noqdo gudoomiyaha golaha sare “Upper House” ee baarlamaanka Soomaaliya, si aysan kedis ugu noqon dadwaynaha, waana sidan ayada oo aad u kooban;

Abshir waxa uu ku barbaaray iskooladana ka galay magaalada Hargaysa, waxa uu galay college-kii la oran jiray Polytechnic ee Muqdisho ku yaalay, xiligii waxbarashadiisu ay ku koobnayd Diploma laba sano ah, waxa loo tababaray farsamoyaqaan layrka hagaajiya, waxa uu ku soo laabtay Hargaysa halkaa oo uu guryaha layrku ka halaabo hagaajin jiray oo qidmad maalinle ah ku shaqayn jiray. Abshir waxaa uu sanadihii 80aad ka horaantoodii ku biiray ururkii Waxdatu Shabaab, oo ahaa xiligaa ururka islaamiga ah ee keliya ee ka jiray Hargaysa. Abshir waxa uu 1983 ku biiray ururkii Al-itixaad Islaami, dadka ay ururka ku wada jireen waxay sheegeen inuu ahaa nin aan ku fiicnayn waxbarashada diinta iyo ku dhaqankeeda, aana ku fiicnayn, haba yaraatee, hadalka ama inuu wacdi jeediyo, weligiisna lama arag asaga oo ururka dhexdiisa cid qudbad u jeediyay amase la hadlay, wuxuuse jeclaa had iyo goor inuu wadaadadii ururka maamulahayay kalkaaliye u ahaado oo uusan ka fogaan kuwa maamulka amase dhaqaalaha u haya.

Sanadihii 90aadkii waxa uu ka mid ahaa koox wadaado Soomaali ah oo ku biirtay ururkii alqaacido ka hor intii ururka alshabaab aanba la aasaasin. Waxa uu horaantii 90aadkii 3 goor oo kala danbeeyay tegay Suudaan gaar ahaan magaalada Kharduum, waxa uu marwalka la kulmi jiray Usama Binu Ladin oo xiligaa deganaa Kharduum. Xogaha qoran ee aan aqrinay waxay iftiiminayaan inuu ka mid ahaa wadaadadii loo maalgeliyay ganacsiyo kala duwan, asaga waxa intaa u dheeraa oo loo xilsaaray in dhaqalaaha Usama Binu Ladin siinjiray ururkii Al-itixaad Islaami garabkii xiligaa ka dagaalami jiray dhulka Soomaalida ee Itoobiya (kilinka 5aad) in uu asagu ka soo qaado wadamada carabta qaarkood oo u gudbiyo, si ay ugu iibsadaan hub, rasaas iyo taakulo kaleba. Arinka ugu wayn ee loo dhaqaalaynayay (amase maalgelinayay) waxay ahayd inuu howshaas fuliyo oo u muuqdo ganacsade xoolaha gata, sidaa awgeedna lagama shakin lacagta xooga leh ee marba dhinac uu u wado. Sida xogahaasi sheegayaan howshaasi waxa ay socotay ilaa intii laga gaarayay 1998 xiligaa oo uu taagdareeyay dagaalkii itixaad ee kilinka 5aad kuna dhamaaday inuu joogsado. Xogta qoran ee aan aqrinay waxa ka mid ahaa, in laga joojiyay dhaqaalihii loo marin jiray dagaalyahanadaa iyo kuwa kaleba xiliyadii danbe oo loo arkay inuu qiyaanay oo sidii la rabay uusan u gaarsiin. Waxa uu cayroobay oo dhaqaalihii xooga lahaa ka lumay kadib markii xoolaha Soomaalida laga joojiyay Sucuudiga, waxaase saaxiibadiisa kale ee ay dhaqaalaha meel kawada heleen howlo badana wada galeen aad isugu dayeen in ay u xilsaaraan howlo u muuqda ganacsi keliya, sida xawaalada dahabshiil magaalada Hargaysa oo uu mudo kooban u ahaa gudoomiye iyo shirkadii TELECOM oo Abshir saaxiibadiis u magacaabeen Maamule “Director”, ugu danbayntii oo loo arkay in uusan ku fiicnayn maamulka gaar ahaan maamulka lacagta, waxa la faray inuu siyaada u weecdo lana siiyo mushaaro lagu sheegay 4,000 doolar bishii. Waxa uu hotel ka dhisay magaalo yar oo ku taal kilinka 5aad oo la dhaho Xarshine, arinkaas oo loo malaynahayo inuu howlihii hore ee itoobiya ka jirijiray ku lug leeyahay.

Xogaha aan helay waxa ay sheegayaan in Abshir saaxiibo ku lahaa xukuumadii Riyaale, waxa saaxiibadiis u xilsaareen inuu dhexgalo xukuumadii Udub oo uu kasoo waramo, hadba waxa ay faafinayaana gaarsiiyo, saaxiibo cusub oo howlahooda fududeeya oo u haraadan inay lacag helaana soo raadiyo, gaar ahaan laamaha amaanka la xiriira, kooxdana kusoo xiro. Waxa kooxdaasi ku guulaysatay in masuuliyiin Somaliland xil u hayay adeega ay rabaan u qabtaan ayana lacagta ay u haraadan yihiin bixiyaan (masuuliyiintaa oo aan magacyadooda heley gadaal ayaan ku faahfaahindoonaa). Abshir waxa loo magacaabay wasiirka dib-u-dejinta Somaliland oo mudo kooban uu ahaa. Xogaha aan aqrinay waxay sheegayaan in madaxwayne Rayaale heley xogo badan oo uu ka helay beesha caalamka oo ku saabsan waxyaalahaa aan hore u soo iftiiminay, kadib markii uu la socodsiiyay warka uu helay, waxa uu faray inuu is casilo. Abshir waa is casilay, wuxuuna Riyaale ka codsaday inuusan u dhiibin laamaha sirdoonka ee dalalka reer galbeedka oo kuwa kamid ahi codsadeen in ay su’aalo waydiiyaan, Rayaalena waa ka yeelay. Dadka reer Hargaysa qaarkood waxa ay aaminsanyihiin in Abshir xili hore bilaabay laba-wejiilayn “double face” oo dhinac kala shaqeeyo kooxaha argagixisada ah dhinacna la shaqeeyo sirdoonadda dalalka reer galbeedka. Abshir saaxiibadiis waxay sheegeen, madaxwayne siilaanyo xiligii la doortay ilaa xiligan waxa uu Abshir isku deyayay inuu siyaasada Somaliland meel ka galo waase suuro geliwaysay, ayadoo, sida lanoo sheegay, Somaliland gudaheeda lagu bartay laba-wejiilayn, been, qiyaano, kolba xisbi u guur iyo hunguri xumo. Waa aaqirusabaane, kaasi waa Abshir oo loo wado inuu gudoomiye u naqdo golaha sare “Upper House” ee baarlamaanka Soomaaliya.

Aqristeyaasha waa mahadsanyihiin, la soco taxanahaan qaybaha haray.        

Prof. Cabdi Cali Axmed

London, England    Email:   cilmi01@yahoo.com

 

The post Xubnihii Somaliland uga Qaybgalayay Golaha Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Xulkoodu ka Bilaawday Hargaysa appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>