Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaadhay Magaalada Abu-Dhabi

$
0
0

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa galabta gaadhay magaalada Abu-dhabi ee caasimada wadamada isutaga imaaraadka carabta, kadib markii madaxweynuhu ka helay martiqaad rasmiya wadamadaasi.

Madaxweynaha  Dawlada Puntland oo safarkiisa maanta kasoo bilaabay magaalada Muqdisho oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa , kadib markii halkaasi uu u tegay ka qaybgalka shirkii madasha wadashiga qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo kusoo hakaday mudo kooban garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.ayaa intii uu ku sugnaa Boosaaso Internationla Airport kula hadlay qolka nasashada warbaahinta qaybaheeda kala duwan isagoona sheegay in shirkii madasha wadatashiga qaranka ee uu kaga qayb galay magaalada muqdisho uu kusoo dhamaaday jewi wanaagsan, ilamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo taabegelinta doorashooyinka Soomaaliya ee fooda inagu soo haya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa mar uu ka hadlayey socdaalkiisan ku wajahan wadamada isu taga imaaraadka carabta waxaa uu sheegay in Dawladda imaaraadka carabtu ay u fidisay martiqaad rasmi ah kaas oo looga gol leeyahay wanaajinta iyo kor uqaadida xidhiidhka u dhaxeeya Puntland iyo wadamada isutaga imaaraadka carabta.

Madaxweynaha  Dawladda Puntland  oo markii diyaaradii khaaska ahayd ee siday soo gaadhay garoonka caalamiga ah ee Abu-Dhabi International Airport ayaa halkaasi waxaa loogu soo dhaweeyey si diiran ila markaana qadar yar oo nasosho ah ku qaatay qolka martida, kadib loo sii gelbiyey Hotel ka caalamiga ah ee ” THE RITZ-CARLTON”, halkaasoo uu madaxweynuhu ku sugnaan doono tan iyo inta ay soo gebageboobayso booqashadan rasmiga ee ku joogo wadamadaasi isutaga imaaraadka carabtu.

Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa shaqo waxaa  ku weheliya Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo Ladagaalaka Budhacad Badeeda Cabdillaahi Saalax Jaamac, Aagaasimaha Hay;ada PIA Cabdirisaaq Ciise Xuseen iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kulamo la qaadan doona maalamaha fooda inagu soo haya madaxda sare ee wadamadaasi isutaga imaaraadka carabka, isla markaasina ay ka wada hadli doonaan xoojinta iyo wanaajinta xidhiidhka dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada.

–DHAMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

IMG_0611 IMG_0612 IMG_0613 IMG_0617 IMG_0620 IMG_0623 IMG_0624 IMG_0625 IMG_0626 IMG_0628 IMG_0629 IMG_0631 IMG_0632 IMG_0633 IMG_0634 IMG_0636 IMG_0638 IMG_0639 IMG_0640 IMG_0641 IMG_0642 IMG_0644 IMG_0645 IMG_0652 IMG_0656 IMG_0657 IMG_0659 IMG_0660 IMG_0664 IMG_0665 IMG_0666

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaadhay Magaalada Abu-Dhabi appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>