Muqdisho-(Puntland Post) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu maanta u ambabaxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa la qorsheynayaa in uu la kulmo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, wuxuuna kala hadli doonaa go’aanka Kenya ay dib ugu celineyso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka ku yaala dalkaasi.
Mudane Xassan Sheekh ayaa dhowaan sheegay in aanay sax aheyn in qaxootiga Soomaaliyeed dib loo soo celiyo, isla markaana ay dowladda Kenya kala hadlayaan arrinta qaxootiga.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u ambabaxaya dalka Kenya appeared first on Puntland Post.