Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shaqaale ka tirsan wasaradda Maaliyadda Puntland oo tababar muhiim ah loogu qabtay magalada Nayroobi

$
0
0

13383474_1013908995323255_504911991_o(1)Nayroobi (Puntland Post) Shaqaale ka tirsan wasaradda Maaliyadda dowladda Puntland oo gaaraya 24-xubnood ayaa tababar loogu qaaday magalada Nayroobi, tababarkaasi ayaa salka ku hayay maareynta dakhliyadda iyo kharashaadka dowladda iyadoo fulintooda loo addeegsanayo aalado casri ah oo u gaar ah.

Tababarka oo soconayey muddo shan cisho ah ayaaa lagu qabtay Iskuulka weyn ”Kenya School of Governmenta” waxaana tababarka bixinayay khabiiro ku takhasusay maareynta dakhliyadda iyo khasraadka dowladda,
Waxaa maalgeliyey tababarkaan Mashaaruuca PFM ee uu ugu deeqay Bangiga Adduunku dawladda Puntland oo ay fulinayso Wasaaradda Maaliyaddu.

Tababarkaan ooka bar ah kuwo kale oo dhici doona waxaa muhimadiisu ahayd in shaqaalaha loo carbiyo habab cusub oo lagu maareeyo dakhliga iyo kharashaadka dawladda iyaddoo la marayo hababka casriga ah oo laga aqoonsanyahay adduunka, lana filayo in dhowaaan laga hirgeliyo dhammaan goobaha dakhliga.

Waxaa sidoo kale la sahli doonaa hababka hay’addaha dawladdu u dalbadaan kharashaadkooda miisaaniyadeediyad oo la abuuridoono dalabaadka kharashka (Expenditure Warrant) oocasri ah (electronic).Waxaashaqaalahaan loo asteeyey in ay u sii gudbiyaan tababarkaan qaybaha ay ka yimaadeen.

Shaqaalaha tababarkan loo qabtay ayaa ka kala socday xafiis-yaddan.
⦁ Cashuuraha Berriga – Wasaaradda Maaliyadda
⦁ Xafiiska Miisaaniyadda-Wasaaradda Maaliyadda
⦁ Furdooyinka –Wasaaradda Maaliyadda
⦁ Xisaabaadka goboladda-Wasaaradda Maliyadda
⦁ Maamulka-Wasaaradda Maaliyadda
⦁ Deeqaha Dibadda-Wasaaradda Maaliyadda
⦁ Bangiga Puntland
⦁ Hanti Dhawrka Gudaha- Wasaaradda Maaliyadda
⦁ Hay’adda shaqaalaha Rayadka ah ee Puntland
⦁ Xafiiska Hanti Dhawrka Guud
⦁ Xafiiska Xisaabiyaha Guud – Wasaaradda Maaliyadda.
1
PUNTLAND POST

The post Shaqaale ka tirsan wasaradda Maaliyadda Puntland oo tababar muhiim ah loogu qabtay magalada Nayroobi appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>