Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wariye Sagal Salaad oo maanta aas qaran loogu sameeyey Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(Puntland Post)-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyey Allaha u naxariistee Gabar Wariye ah oo lagu magacaabi jirey Sagal Salaad Cismaan oo shalay galabnimadii kooxo hubaysan ku toogteen Magaalada Muqdisho.

Murxuumada oo lagu aasay Isbitaalka Madiina waxaa aaskeeda ka qayb galay, Masuuliyiin ka socday Dawlada Soomaaliya, Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ehelada gabadhan la diley.

Maxamed Ibraahim Macalimuu Xoghayaha guud ee NUSOJ oo ka hadlay goobta aaska ayaa Alle uga baryay in uu janada ka waraabiyo, isagoo dowladda ka codsaday inay cadaaladda ka tiigsadaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Afhayeenka maamulka gobolka Benaadir C/fataax Cumar Xalane oo ku hadlayay magaca caa’ilada marxuum Sagal ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay dadaal u geli doonaan sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa dadkii falka dilka ah geystay.

Waxaa isaka soo daba dhacaysa cambaaraynta loo jeedinaayo kooxihii soo maleegay Dilka Wariye Sagal, waxana kamida ururada sida aadka u cambaareeyey ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo dalbaday in lasoo qabtay arxan lawayaashii dilkaas soo maleegay.

Puntland Post

The post Wariye Sagal Salaad oo maanta aas qaran loogu sameeyey Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles