Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda Puntland oo loogu baaqay inay soo gacan galiso xaalada Dharkayn-geenyo ee Sool

$
0
0

Madaxtooyadda-Puntland-1Garowe(Puntland Post) Qaar ka mid ah culimadda Gobalka Sool ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka kasoo cusboonaadey mar kale deegaanka Dharkayn-geenyo oo ka tirsan Gobalka Sool, kaasoo labada beeleed ee dagaalamay ay dad badan iska dileen.

Dagaalka beelaha ayaa marar badan kusoo laabtey deegaanada Sool, waxaana jiray dadaalo badan oo arrintaasi laga sameeyay hase yeeshee culimadda iyo waxgaradka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in lasii xoojiyo wacyi galinta.
Shiikh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah culimadda Dharkayn-geenyo ayaa Radio Garowe u sheegay in dagaalka beelaha ay dad badani ku dhinteen isla markasna loo baahan yahay in si wanaagsan loogu howl galo.

Dowladda Puntland ayuu ugu baaqay inay soo dhex gasho oo arrintaan ka hadasho maadama goobta beelihu ku dagaalamay ay ka taliso Puntland.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku baaqay in beelaha dagaalamay ay dagaalka joojiyaan maadama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo loogu baaqay inay soo gacan galiso xaalada Dharkayn-geenyo ee Sool appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>