Diyaarad sidey Maydka Allaha u naxariistee feryahankii caanka ahaa Maxamed Cali ayaa la geeyey Magaalada uu ku dhashay Louisville, ee Kentucky, waxaana markii Maydkiisa laga dejiyey diyaarada la saaray Mooto kusoo wareejisay Magaaladaas.
Waxaa lagu wadaa in Maxamed Cali lagu aasi doono Magaalada Louisville maalinta Jimcaha, waxaana jinaasadiisa kasoo qayb geli Dad caan ka ah Maraykanka iyo guud ahaan Dunida.
Maxamed ayaa ahaa shaqsi si aada looga xushmeeyo dunida, waxaana loo yaqaanay feeryahankii qarniga.
Jimcihii lasoo dhaafay ayuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Gobalka Arizona ee Dalka Maraykanka, waxaana lagu wadaa in loo aaso sida ay Muslimiintu Maydka u aasaan, maadama uu ahaa Islam si wanagsan Diintiisa u aamisan.
PUNTLAND POST
The post Maydka Maxamed Cali oo la geeyey Magaaladii uu ku dhashay appeared first on Puntland Post.