Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

France oo guul ka gaaray Romania Furitaanka Euro 2016

$
0
0

France-(Puntland post) Dimitri Payet ayaa noqday geesiga xulka France ka dib markii uu waqtiga dhimashada u dhaliyay goolka guusha kulankii furitaanka Euro 2016 ee ay la ciyaareen xulka Romania.

Labada xul aya khasaarin fursado qeybtii hore ee Stade de France ka hor inta Olivier Giroud hogaanka u dhiibin xulkiisa oo uu gool madaxa u dhalin daqiiqadii 57aad.

Romania ayaase soo barbaraysay sideed daqiiqo ka dib markii Bogdan Stancu rigoore xulkiisa uu helay gool u u badalay ka dib markii Nicolae Stanciu qalad ku galay Patrice Evra.

xulka martida loo ahaa ayaa umuuqday mid aan ku qanci karin barbaro uu ku qasbanaa, laakiin Payet ayaa guusha gacanta ugaiyay xulkiisa daqiiqadii 89aad ee dhamaadkii cayaarta,waxayna xulka Didier Deschamps in ay guul ku furteen tartankan Euro 2016.

Tababare Deschamps ayaa ku soo shirtagay shaxdiisa ugu adkeyd isagoo ku soo bilaabay Dimitri Payet kaasoo booska ka galay weeraryahanka Man United Anthony Martial oo kursiga keydka ku soo bilowday, waxaana Payet uu weerar ka garab ciyaarayay xiddigaha Antonie Griezmann iyo Oliver Giroud.

PUNTLAND POST

The post France oo guul ka gaaray Romania Furitaanka Euro 2016 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>