Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dhismaha Buundada Deegaanka Xaabo oo la soo gaba-Gabeeyay

$
0
0

Xaabo(Puntland Post)-Dowladda puntland ayaa soo gabagabeysay dhismaha buundo muhim ah oo laga dhisay deegaanka xaabo oo hoostaga degmada caluula ee gobolka gardafuu.

Buundadan oo dhererkeedu ku dhowyahay 50 mitir ayaa la saaray jaan ama kanaal biyaha kasoo qaada badda kaas oo kala bara xaafadaha xaabo.

Shacabka deeganka ayaa ku dhibanaa jaankan oo ay ku waayeen dad badan islamarkaana caqabad ku noqday ganacsiga, wàxbarashada dadka, iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

He’adda wadooyinka puntland ee PHA oo horey qiimeyn ugu sameysay caqabadda ay dadku ku qabeen jaankan ayaa dhistay buundadan oo ah mid ay adeegsan karaan dadka oo kaliya.

Shacabka xaabo ayaa Dowladda puntland uga mahadceliyay dhismaha buundadan, waxeyna sheegeen in buundadaan ay qayb ka qaadanayso hormarka ganacsiga iyo isu socodka gadiidka u kala goosha deegaanka xaabo iyo gobolada puntland.

kayse 01  kayse 0380 90

PUNTLAND POST

The post Dhismaha Buundada Deegaanka Xaabo oo la soo gaba-Gabeeyay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>