Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wax Ka Ogoow Kulanka caawa dhexmari doona qaramada Portuga iyo Iceland

$
0
0

Portugal-vs.-Iceland

Cristiano Ronaldo iyo xulkiisa Portugal ayaa bilaaban doona tartankooda Euro 2016 marka ay wajahaan xulka tartankaan ku cusub ee Iceland ciyaar ka tirsan safka Group F oo ka dhici doonta garoonka Stade Geoffroy-Guichard caawa oo Talaado ah.

Ronaldo iyo xulkiisa ayaa ugu cadcad inay guul sahlan ku furtaan tartankaan maadaama ay wajahayaan xulka ku cusub tartanka kulankooda ugu horreeya, iyadoo ay xusid mudan tahay inay Portugal raadineyso inay gacanta kusoo dhigto koobkeedii ugu horreeyey ee caalami ah xagaagaan.

  • Xulalka Kulmaya: Portugal vs. Iceland
  • Saacadda: 10pm (Xilliga Geeska Africa)
  • Garoonka: Stade Geoffroy Guichard
  • Garsoore: Cuneyt Cakir (Turkey)
  • Ciyaaraha Wareega 1aad Group F – Euro 2016

Dhanka kale, xulka Iceland ayaa isha ku haya inay xaalka ku adkeeyaan kabtan Ronaldo iyo xulkiisa iyagoo markoodii ugu horreysay taariikhda ka ciyaaraha European Championships,waxayna rajeynayan inay aduunka ka yaabsadaan iyagoo raadinaya guul lama filaan ah ama ugu yaraan barbardhac kulankaan.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKA LABADA XUL

 Portugal (4-3-3): Patricio – Vieirinha, Bruno Alves, Pepe, Eliseu – Moutinho, Pereira, A. Silva – Nani, Eder, Ronaldo.

Iceland (4-4-2): Haldorsson – Saevarsson, R. Sigurdsson, Ingason, Skulason – Gunnarsson, Gudmundsson, Bjarnason, G. Sigurdsson – Sigborsson, Finnbogason.

 PUNTLAND POST

The post Wax Ka Ogoow Kulanka caawa dhexmari doona qaramada Portuga iyo Iceland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>