
Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa ku dhacaya qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyada oo qaar ka mid ah madaafiicdaasi ay ku dhaceen agagaarka Taalada Sayidka.
Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka Hawlwadaag iyo Wardhiigley ayaa Puntland Post u sheegay in dhowr madfac ay ku soo dhaceen degmooyinkaas.
Dadka ku nool degmooyinka ku yaala bartamaha magaalada ayaa dareemay saameynta madaafiicda oo ku soo beegmay, markii la afuray.
Madaafiicdaan caawa ku dhacaya qaybo ka mid ah Muqdisho ayaa ku soo aadaya, saacado kadib markii madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud uu xil-ka-qaadis ku sameeyey taliyihii nabadsugidda Soomaaliya Jen. Cabdiraxmaan Tuur-yare, iyada oo si KMG ah xilkaas loogu magacaabay Jen. Gaafow.
Wixii warar ee ku soo kordha goor dhow ayaan idinla soo socodsiin.
The post Madaafiic culus ayaa caawa lagu garaacay degmooyin ka mid ah Muqdisho appeared first on Puntland Post.