Wararka laga helayo dalka Maraykanku waxay tilmaamayaan in Omar Mateen oo ahaa ninkii weerarka ka gaystay baarka magaalada Orlando ee dalka Maraykanka in uu si joogto ah u booqan jiray goobtaasi wakhti dheer.
Wargaysyada gudaha iyo kuwa dibaddaba waxay soo xiganayaan macaamiisha kalaabkaasi oo sheegaya in ay marar badan arkeen Omar oo jooga baarka oo khamri badan cabaya.
Faahfaahinta ay masuuliyiintu ka bixiyeen weerarka
Masuuliyiinta magaalada Orlando ee dalka Maraykanka ayaa bixinaya faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii kalaabka ka dhacay ee ay ku dhinteen 49 ruux.
Omar Mateen oo hubaysan ayaa rasaas ku furay kalaabka saacadihii hore ee subaxnimadii Axaddii, halkaas oo uu ka dhacay rasaasayntii ugu xumayd ee soo marta taariikhda dambe ee dalka Maraykanka, waxaana ku dhaawacmay 53 ruux.
Taliyaha booliiska John Mina ayaa sheegay in askari aan shaqada ku jirin markaas balse kalaabka ka hawlgala uu Mateen rasaas waydaarsaday.
Intaas kaddib ayay booliis badani yimaadeen goobta ninka laga shakisanyahayna rasaasta ayuuna sii waday.
Waxay ku qasbeen in uu dib ugu gurto dhinaca suuliga halkaas oo uu la haysteyaal ku haystay sida uu sheegay Mina.
Intii arrintaas ay dhacdayna waxaa suurtagashay in lahaysteyaal badani ay baxsadaan
Mateen ayaa booliiska la hadlayay markii uu suuliga ku jiray sida uu Mina sheegay, intii uu hadlayayna wuuxna booliiska u sheegay in uu taabacsanyahay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.
FBI ayaa horay u waraysatay Mateen
Hay’adda dembi baariska Maraykanka, FBI, ayaa sheegtay in ay saddex jeer wareysatay Cumar Mateen, oo ah ninka ka dambeeyay weerarka ay kontonka qof ku dhinteen ee lagu qaaday kalab ku yaalla magaalada Orlando ee gobolka Florida.
Hay’adda ayaa sheegtay in Cumar loo haystay xiriir uu la sameeyay Munir Abu-Salhaan oo u dhashay Maraykanka, markii dambana isku qarxiyay dalka Suuriya, balse lagu waayay caddeyn lagu maxkamadeyn karo.
Aabaha dhalay Cumar Mateen ayaa sheegay in uu aad u necbaa dadka isku jinsiga ah ee haddana isu galmooda, ayna dhici karto in taasi ay sabab u tahay weerarka uu ku qaaday kalabka ay dadka noocaasi ah isugu tagaan.
The post “Cumar Matiin waxa uu mar walba tagi jiray baarka uu dadka ku laayay” appeared first on Puntland Post.