Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Xaalada Amni Ee Puntland

$
0
0

Garowe(puntlandpost) Cabdiwali maxamed cali “Gaas” madaxweynaha dowlada puntland oo manta si rasmi ah u furay kalfadhigii 37-aad ee golaha wakiilada puntland ayaa ka halay halka ay marayso xaalada amni ee puntland.

Madaxweynaha puntland oo khudbad dheer oo uu kaga hadlayo amniga puntland ka jeediyay furitaanka kalfadhiga puntland ayaa yiri”wadanku waa nabad, puntland waa amni, puntland waa goob xasiloon oo ay ka jirto nabadgelyo dhab ah, taageerada ilaahay ka sakow waxay nabadaasi ku timid kuna taagantahay isku tiirsanaanta iyo wada jirka shacabka iyo dowlad, waxaan rabaa inaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga diro bisha barakaysan aawadeed ciidamada geesiyaasha ah iyo hawl wadeenada hay’adaha amniga oo goor walba u soo jeeda difaaca iyo suggidda amniga dalka.

Haddii gacanta cadowgu ku gaarto adigoo dalkaaga iyo dadkaaga u shaqeynaya waxaad tahay shahiid, hadii cadow soo duulay aad iska difaacdo waxaad tahay mujaahid, waxaan sidaas u leeyahay duulaankii ay argagixisadu ku soo qaaday amniga dalka iyo dadka puntland bishii maarso waxa uu ahaa wax qabadkii ugu waynaa ee dhanka amaanka oo ay dowladu ku talaabsatay,guushaas illaahay ka sokow waxaa soo hooyay ciidamada,taasoo cadowga laga dilay in kabadan 450, laguna qabtay maxaabiis dhan 98 maxbuus oo argagixiso ah kuwaasoo dalka ka soo weeraray dhinaca xeebaha gobolada nugaal iyo mudug.

Dhacdadaasi kadib waxaa dowladu ka shaqeysay In si buuxda la isugu xiro tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobolada dalka si ay uga wada shaqeeyaan ilaalinta amniga, is dhaafsiga macluumaadka muhiimka ah, si looga feejignaado cadowga nagu dhex dhuunta.

Mudanayaal mudadii u dhaxeysay labada kal fadhi ee baarlamanka waxaa la hirgaliyay dhismayaasha 4 saldhig Boolis oo kala ah Degmooyinka Dangoroyo, xarfo, isku shuban iyo godob-jiraan taas oo u jeedadu tahay baahinta amniga iyo xoojinta adeegyada nabadgalyada ee heer degmo.

Waxaa sidoo kale la dhagax dhigay dhisme laba dabaq ka kooban oo ay leedahay waaxda socdaalka wasaarada amniga, dhamaystirka dib u habaynta iyo tobabarka ciidanka Booliska oo markii ugu horaysay yeeshay diiwaan galin sax ah .

PuntlandPost

The post Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Xaalada Amni Ee Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>