Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Sheegay in uu Been Abuur Yahay Shakhsi Magaciisa u Isticmaala Baraha Bulshada

$
0
0

“Annigoo ah Maxamuud Xasan Soocadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland Waxaan Halkaan Ka caddaynnayaa in aanan lahayn Wax Cinwaan #Facebook ah oo aan is Offical- ah wax ugu qoro ama ugu gudbiyo Bulsho weynta reer Puntland.

Sidaas daraaddeed, Cinwaanka laga dhex sameeyay mid kamid baraha bulshada gaar ahaan Facebook, oo lagu qoray magacayga Isla markaana la saaray Sawir aan leeyahay, waxaan leeyahay waa been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn oo lagu qaraabanayo, waana qadaf iyo sumcad-dil sharaftayda, Midda Wasaaradda Warfaafinta iyo Guud ahaan Dowladda Puntland, wayna dhacdaa inta badan in mas’uuliyiinta magacyadooda lagu qaraabto oo dadka lagu caayo.

Haddaba waxaan u sheegayaa cid allaale iyo ciddii samaysay falkaas xun ee sumcad-dilka ah in ay ka waantoobaan taasoo iyaga qudhooda ku ah sumcad xumo iyo Dambi xili lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadan”.

Wabillaahi Towfiiq.

Maxamuud Xasan Soocadde.                                                                                                                                              Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Fiiro gaar ah: Halkan ayaan kusoo lifaaqay qaar kamid ah sawiro aan kasoo qaaday cinwaankaas magacayga iyo sawirkayga lagu been abuurayo.

facebook-3

facebook-2

facebook-1

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Sheegay in uu Been Abuur Yahay Shakhsi Magaciisa u Isticmaala Baraha Bulshada appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>