Waa arrin iska cad in Soomaaliya dhibaato ballaaran ka soo gaaratay dagaalladii iyo burburkii dalka loo geystay, waxaana la oran karaa waayna adagtahay in la helo madax ama siyaasiyin ku fekeray inay soo noqoto Soomaaliya iyada iskeed isu maamusha, wax kasta waa iska cadyihiin, uma baahni inaan tilmaam sabab badan oo qof kasta arki karo,
Waxaa sababaha ugu muhiimsan ilaa intii qabqablayaashu dalkii burburiyeen wali waa la la’yahay siyaasi Soomaaliyeed oo ay ka dhab tahay inuu ku mintido naftiisa iyo waqtigiisana u huro soo celinta Qarankii Soomaaliyeed, ayaan daro inteeda la eg! Arrintan iyada ah ama in qaranimmadii dib loo soo celiyo oo aan is maamulno sida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u dhaqmayaan kuma soo noqon karto, waxaynu ka hadlayno waa dabeecaddii shirkii la yiri dowlad Soomaaliyeed baa lagu soo dhisay.
Marka aad dhab u dheehato waxa aan ka sheekaynayno ee ahaa habkii shirkaas loo maamulayay waxaad arkaysaa maamul siyaasadeed kasta oo ka dambeeyay oo ay Soomaaliya yeelato iyo shirkii Mbagathi inay dabeecad ahaan isu egyihiin, Qabqablayaasha siyaasadda iyo guud ahaan erggadii Soomaaliyeed ee shirkaas fadhisay way kala qaybsanaayeen, dowladaa kala haystay, iyagii baa basaasin laga dhex samaystay,…haa wa ay dhacday mar ama labo in kooxuhu wax diidaan tooduna socotay oo ay wax ku midoobeen, laga yaabo inay sababtu ahayd in arrintu shirkii oo la wada fadhiyo oo indhaha laysku wada hayo ay banaanka timid oo ay ahayd wax si kedis ah u soo baxay, laga yaabo inay arrintu ka hoos baxday erggeda shisheeyaha ah ee shirka jooogay oo ay is lahaayeen wax ka waaweyn bay yeeleen tanna waa iska yeeli doonaan ama ayba u qaateen wax kasta oo ay soo gudbiyaan siday ergadda Soomaalid ka barteen iska socon doonaan oo aan waxba laga diidayn, laga yaabo…Si kastaba aha ahaatee ilaa iyo hadda basaasiintii waagaas samaysmay baa shaqeeya oo waliba ay dowladaha shisheeyaha ah xawaaladaha Soomaalida lacagta u soo dhigaan…Soomalidu yeey hiil ka sugaysaa?!
Soomaaliya iyo dunida is huri maayaan, mar kastana dalal shisheeye oo dano innaga leh ama aan ka leennahay is huri mayno, laakiin waxa muhiimka ah ee meesha ka maqan oo dhibaatada u weyneyd ee shirkii Mbagathi innaga haysatay waxay ahayd, annagoo aan lahayn wax mudnaantiisa aan wadaagno oo aan wada ilaashanayno, nin kastana uu kala garan waayay dantiisii iyo Qarankii, xataa waxay fahmi waayeen Qabqablayaashii hoggaanka siyaasaddena haystay in fullinta siyaasadaada mucaarad loo noqdo laakiin wixii qaranimada ummadda wax u dhimayay la wada diido, markay xilkoodii garan waayeenna waxay taladoodii dhaafi waysay inay shirka ka caroodaan, colaadda ay isu qabeen ay sii korodho, is eedeeyaan, ama eedeeyaan dalaka shisheeyaha ah ee dannahooda Soomaaliya shirka ku ilaashanaya.
Wakiilada Jaamacadda Carabta ayaa iyagu aan wax kaalin ah innaba ha yaraatee ku lahayn shirkii Mbagathi ama ka dhacay dalka Kenya, waxayna ahaayeen marti sharaf goob joogayaal ah, Cabdala oo ahaa nin Soomaali ah iyo Saalim Al-KHuseymi oo wakiil ka ahaa ururka jaamacadda carabta inta badan waxaa la arki jiray marka uu shirka soo gaaro heer qabqablayaasha wax laga saxiixayo taasoo ujeedada laga leeyahay ay ahayd in saxiixooda uu ka dhex muuqdo hay’adaha iyo dowladaha ka qayb qaadanaya shirka, sidaa daraadeed waxaa aad u yaraa baahida ku qabanaysa si aad xog uga hesho, waxayse ku fiicnaayeen in marka baahi dhaqaale ay timaado loo yeeri jiray si ay wax ugu yaboohaan.
Waxaase iyadan muhiim ahayd in ergo kasta oo ka socda dalalka shisheeyaha ay xiriir sokeeye la lahaayeen koox ka mid ah ergeda Soomaaliyeed ee shirka fadhisa, sidaas daraadeed marka ay kooxdaas khilaaf bilowdo ama iyadoo fulinaysa ama ilaalinaysa arrimo ay isku ogyihiin ergeda shisheeyaha ah ay xulufada yihiin ay muran iyo khilaaf ka keento arrimaha shirka waxaa lala hadli jiray ergeda shisheeyaha ah ee la ogyahay inay xiriir sokeeye la leedahay kooxdaas. Inta badan kooxaha shirka fadhiya marka ay mid ka mid ah khilaaf keento dalalka ugu badan ee xaliya ama loo diro inay khilaafkaas dhameeyaan waxay ahaayeen; Itoobiya, Carabaha, Talyaaniga, iyo Kenya oo aan iyada marna ka hari jirin maadaama ay ahayd shir-gudoonka iyo dalkii shirka marti gelinayay.
Waxaa iyadana sidaasoo kale aan kaalin muuqata shirka ku lahayn dowladda Eritrea oo ergeyga ka socday Amb.Yohannes Berhe aad moodaysay in si kas ah oo ula kac ah loo go’doomiyay, waxaana aad u koobnaa saamaynta iyo kaalinta uu shirka ku leeyahay, sida loola dhaqmay ergaygaas ayaa salka ku haysay in ergedii shisheeyaha ee shirka Soomaalida joogay ay colaaddii dhex taalay Eirtrea iyo Itoobiya ay kaga soo hor jeedeen Eritrea, sidaas daraadeedna Eritrea iyadoo xubin IGAD ah hadana kaalin buuxda kuma lahayn shirka, waxayna taas horseeday in Soomaalidu halkaas ku weyso cod dheeli tiri kari lahaa kan Itoobiya marka ay timaado talooyinka ay soo jeedinayaan ergada shisheeyaha ah ee shirkaas ka qayb qaadanayay.
Kooxaha Soomaaliyeed ee shirka fadhiya khilaafaadkooda faraha badnaa waxaa mar kasta kor u qaadayay danaha ergeda shisheeyahay ah, intii ay qurbo-joogta dibadaha ka yimid saamaynta ku yeesheenna, gaar ahaan kuwa ay shirka ku marti qaadeen Qabqablayaasha oo iyagu doonayay inay qurbo-joogtaas ku gaaraan xiriir ay la yeeshaan dalalka ay ka soo jeedaan ama ay ka yimaadeen waxaa bilowday kulano gooni-gooni ah oo habeenkii ay erggeda shisheeyaha ah la yeelato qurbo-joogta oo uu la socdo Qabqablihii shirka ku marti qaaday, taasi waxay abuurtay shaki hor leh iyo in arrimhii shirku baahaan, waxaana batay habeen socodkii, hotelada waaweyn ee Nairobi ayaa iyagana noqday goobo kale oo habeenkii malaha looga hadlo talooyin ka duwan kuwii dharaarnimadii looga soo hadlay xarunta shirka ee Kenya College Communication And Technology (KCCT) ee Mbagathi.
Beri la soco…
PUNTLAND POST
The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XI) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.