Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ururka curyaamada Garowe oo shacabka ka codsaday inay soo caawiyaan

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Ururka curyaamiinta Garowe ee Allaa wakiil ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan caawinta naafadaha, maadama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dadka naafada ah oo isagu jira waayeel da’ah,carruur iyo haween ayaa ka dayriyay xaaladooda nolaleed ee bisha ramadaan maadama aysan heli karin waxay ku afuraan kuna soomaan bishan, sidoo kale waxay sheegeen inaysan u awoodi karin qoysaskooda inay u helaan dhaqaale xiriir ah.

Gudoomiyaha ururkan oo la yiraahdo Shugri Maxamed Ciise isla markasna labada lugood curyaan ka ah ayaa ku baaqday in lasoo caawiyo naafadaha ku sugan xeryaha barakacayaasha magalada Garowe.
1

2

3

4

5

6

7

8PUNTLAND POST

The post Ururka curyaamada Garowe oo shacabka ka codsaday inay soo caawiyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles