Dowlada Kenya waxa ay sheegtay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, waxii ka dambeeyay weerarkii jaamacada gaarisa oo ay ku dhinteen 147-Qof sanadkii la soo dhaafay.
Wargeyska Washington Post, ayaa qoray in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu sheegay in aysan dooneyn in Kenya ay ku qasabto Qaxootiga in ay ka baxaan Xeryaha.
“waaan dooneynaa in Dadkaan dib ay ugu soo laabtaan Dalka, lakiin taasi waxa ay u baahan yahay in loo maro nidaam, waxaanu kala hadalnay bulshada Caalamka iyo Kenya habka ugu wanaagsan oo ay ku suuragali karto dib usoo celinta Qaxootiga” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul Wasaaraha, waxa uu sheegay in Qaxootiga ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay kaga guuraan Xeryaha Dhadhaab, balse aysan suuragal aheyn in sanadkaan gudihiisa lagu fuliyo go’aankaasi.
“tani waxay sii kordhin kartaa falal amni xumo ee labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya, sababtoo ah Dhallinyarada Qaxootiga ayaa ku biiri kara Kooxaha xagjirka ah, waana in laga fikiraa halka ay ku dambeyn karto noloshada Dadkaan” ayuu hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kula kulmay Magaalada Brussels, xoghayaha QM Banki Moon, ayaa kala dalbaday bulshada Caalamka in laga taageero dowladiisa dib u celinta Qaxootiga Soomaalida.
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul Soomaaliya: Ma’ahan in Qaxootiga Qasab lagu Celiyo appeared first on Puntland Post.