Ururka Al-shabab, ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM oo marayay inta u dhaxeeya degmada Baraawev iyo Tuulada Maryan Gubaay..
Rasaas xooggan oo saacado socotay, ayaa lagu soo warramayaa in laga maqlay magaalada Baraawe.
Dhan kale Sargaal ka tirsan saraakiisha dowladda Somaaliya oo oo la hadlay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegay in kagasaaro badan ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada, ayaa ka soo baxay Muqdisho kuna jeeday magaalada Baraawe markii ay Alshabaab weerareen, sida dad deegaanku u sheegayaan warbaahinta.
PUNTLAND POST
The post Dagaal ka dhacay Shabeelaha hoose appeared first on Puntland Post.