Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq ayaa sheegay in magaalada Fallujah la qabtay,qudbad uu telefishenka ka jeediyay ayuuna ku sheegay in Fallujah ay gacanta usoo gashay Dawlada Ciraaq.
Waxuu intaasi raaciyay in magaalada ay ku harsan yihiin koox yar oo Daacish ah.
Ra’’isul wasaaruhu waxuu cadeeyey in saacadaha soo socda la nadiifin doono magaaladda,qudabada uu jeediyay ayuu ku sheegay in magaalada Mosul ay noqon doonto meesha labaad ee la qaban doono.
Ciidanka dowladda ayaa qabtay dhismooyin ay dowladu leedahay oo Fallujah ku yaala,afar isbuuc ayuu dagaal ka socday magaaladaasi oo ay mudaba haysteen kooxda Daacish.
Magaaladda Fallujah 50Km ayay u jirtaa caasimada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Puntlandpost
The post Dowlada Ciraaq Oo Magaalada Faluuja Kala Wareegtay Kooxda Daacish. appeared first on Puntland Post.