Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

dawladda Puntland oo dardargelin xoogle ku wada tayaynta shaqaaleheeda

$
0
0

Wafdi u hogaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland ayna ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, xubno ka tirsan Jaamacadda PSU iyo xubno ka mid ah ka tirsan guddiga xiriirinta Mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiin ee Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland oo beryahan hawlo shaqo u ku marayey waddamada geeska Afrika ayaa booqday Jaamacadda shaqaalaha dowladda itoobiya ee Ethiopia Civil Service University taas oo ku taala caasimada dalkaasi ee Addis Abba.

Madaxda jaamacadda iyo wafidigu waxay ka wada hadleen sidii loo sameyn lahaa iskaashi ku aadan xagga tababarka shaqaalaha Dawladda Puntland ayada oo jaamacaddaan oo leh khibrad aad u dheer lala mataaneyn doono Jaamacadda PSU oo bixin doonta tababarka Shaqaalaha dawladda Puntland.

Wasiirka ayaa u mahadceliyey Jaamacadda shaqaalaha Dowladda Itoobiya oo  horay dawladda Puntland u siisay deeq waxbarasho isla markaana ay hadda jaamacaddaasi  dhigtaan ku dhowaad  30 adray  (Bachelor & Master) oo kamid ah shaqaalaha Dowladda Puntland.

Safarka wafdigaan ayaa ah mid loogu kuur galayo sidii loo sameyn lahaa iskaashi wadamada dariska ah si’ ay gacan uga geystaan  tababarka iyo tayeynta shaqaalaha Dowladda Puntland ayadoo lala mataaneynayo jaamacadda PSU ee tababari doonta shaqaalaha Dowladda.

Tayeynta iyo dib-u-habynta shaqaalaha Dowladda Puntland ayaa kamid ah ballan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu u ballan qaaday shacabka reer Puntland xilligii uu la wareegey hoggaanka Puntland, waxaana dawladda ka caawin doona shaqaalahaasi Bangiga Adduunka.

Waftigaan ayaa horey kulamo ula soo  qaatay hay’adda tababarka shaqaalaha ee dawladda Kenya iyo Mac-hadka tababarka shaqaalaha ee dawladda Tanzania, waxayna ka mid tahay arrintaani dedaalka xooggan ee ay dawladda Puntland ugu jirto tayaynta iyo dib u habaynta shaqaaleheeda.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
New Picture (1) New Picture (2) New Picture (3) New Picture (4) New Picture (5) New Picture (6) New Picture (7) New Picture

The post dawladda Puntland oo dardargelin xoogle ku wada tayaynta shaqaaleheeda appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>