Garowe-(Puntlandpost)-WAYNE ROONEY ayaa diyaar u ah inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa Manchester United waayihiisa ciyaareedna ku soo afjaro Old Trafford.
Kabtan ingiriiska ayaa amaan ku muteystay qaab ciyaareedkiisa khadka dhexe ee xulka ingiriiska iyo Man United wuxuuna kabtan roonay saxaafada u sheegay “Waxaan kooxda kula jiraa qandaraas waxaana doonayaa inaan dhameysto qandaraas kaas waxbana kama qabo hadii ay noqoto inaan cusbooneysiiyo laakin taasi waxay u taalaa kooxda”.
Rooney ayaa haatan kula jira kooxdiisa qandaraas ilaa sanada 2019 wuxuuna saaxiib la yahay macalinka cusub ee kooxdaasi ee Jose Mourinho kaasoo hore isugu dayay inuu keeno Chelsea laakin wuxuu doonayaa inuu ku sii haayo Old Trafford walina uusan kala gorgortamin astaanta kabtanimo ee kooxda.
Isagoo la hadlayay majalada United ay daabacdo ee We Stand fanzine, Rooney ayaa yiri : “Dhamaan ciyaartooyda ayuu qaab ciyaareedkooda horumaraa waxaan aniga eegtaa oo waayihiisa ciyaareed ku bilowday boos kadibna ku dhameystay meel kale Giggs, waxaan isku dayi doonaan inaan horumar sameeyo oo aan kaashado khibradeyda, waxaan jeclahay oo aan ku raaxeystaa caawinta goolasha si lamid ah dhalintooda waana wax fiican inaan haatan khadka dhexe u soo laabto kana ciyaaro”.
Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe.
The post Kabtanka Xulka Egland Iyo Kooxda Manchester United Oo Sheegay Inuu waayihiisa Ciyaareed U Hibayndoono Kooxda Man Utd Ee Ku Ciyaarta Garoonka Old Trafford. appeared first on Puntland Post.