Wafdi uu hogaaminayay wasiirka wasarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha puntland oo ay kamid ahaayeen madax ka socotay jamacada PSU Iyo xubno ka tirsan guddiga xiriirinta Mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta ee Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland oo beryahan hawlo shaqo ku marayey waddamada geeska Afrika ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada garowe .
Masuuliyiinta Uu Hogaaminayay wasiirka awasarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada puntland Cabdiraxmaan sheikh axmed cabdule ayaa markay cagaha soo dhigatay magaalada garowe diyaaradii ay ka soo raaceen dalka Ethiopia waxaa gudaha garoonka diyaaradaha kanoco garowe kula hadlay bahda warka fidisa wasiir cabdiraxmaan sheikh axmed cabdule isagoona sheegay in wadamadii ay tageen kala soo hadleen sidii loo tababa bari lahaa shaqaalaha dowlada puntland.
Wasiir cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in wadamadii ay kala soo hadleen siday uga qaybqaadan lahaayeen tababarida shaqaalaha puntland dhawaan heshiisyo la soosaxiixan doonaan.
Hoos Ka Daawo Sawirada.
Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe.
The post WAFDI KA SOCDAY PUNTLAND OO KULAMO SHAQO U JOOGAY QAAR KAMIDA WADAMADA AFRIKA AYAA MAANTA DIB UGU SOO LAABTAY GAROWE. appeared first on Puntland Post.