Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Dekeda Bosaso ku soo Bandhigtay Taag ay Jabuuti Ugu Deeqday Puntland.

$
0
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uga mahadceliyay Taag  Nooca jiida doonyaha oo ay ugu deeqday Dowladda Puntland, kaasi oo lagu soo bandhigay dekeda Magaaladda Bosaso.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay dekeda Bosaso ayaa sheegay In Taagan uu  waxweyn ku soo kordhin doono shaqada iyo howlaha Ballaaran ee dekeda ka socda Dekeda, waxaa kaloo uu wasiirku sheegay inay tijaabiyeen taagan oo uu shaqaynayo.

“ Taagan doonayaha waxaanu u isticmaali doonaa soo xirada doonyaha iyo Badbaadinta doonyaha dabku qabsado, maraakiibta la soo xirayo intaba door ayuu ku yeelan doonaa.Shaqaalahayaguna waa ku filan yihiin” ayuu yiri wasiirka Dekedaha Cabdullaahi Jaamac, wuxuuna sii raaciyay

“ Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaanu gudoono maanta taagan doonyaha oo ay noogu deeqday jamhuuriyadda jabuuti, Waana halbowlaha shaqada Dekeda, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxa suuqa Xorta ah ee Jabuuti Abukar hadi iyo Sacad Cumar geele iyo dhammaan nimadkii madaxda ahaa ee noogu deeqay taagan”

Geesta kale, Wasiirku mar uu ka hadlay Ballaarinta iyo Dhismaha Dekeda Weyn ee Bosaso waxaa uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono mashruucii Ballaarinta Dekeda Bosaso, islamarkaana Muddo Bil gudaheeda qaybtii u dambaysay ee Qalabkii lagu dhisi lahaa uu soo gaari doonoa Dekeda Bosaso.

“Ballaarintii Dekedaa dhaqso ayaa loo bilaabi doono, bil gudaheeda in alaabtii lagu ballaarin lahaa iyo birihii badda la galin lahaa ay na soo gaarto ayaanu rajaynaynaa” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi.

Wasiirka Dekedaha waxaa kaloo uu xusay inay Dekeda bosaso ka bilaabi doonaan mashaariic kale oo aan shaaca laga qaadin weli, kuwasoo la filayo in laga bilaabo dhammaadka Sanadkan 2016-ka. Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in Dekeda Bosaso ay ka socoto dayactir iyo cusboonaysiin lagu samaynayo dekeda Bosaso.

Taagan yare ee mustacmarka ah, oo ay wadan dooni ka timid dalka Jabuuti ayaa noqonayaa Taagi Labaad ee Dowladda Dalka Jabuuti ugu deeqdo Puntland, Waxaa kaloo dekeda Bosaso ku xiran Taag kale oo casri ah oo ay leedahay shirada dowladda Puntland Qandaraaska kula gashay ballaarinta iyo Dayactirka Dekedaha Sanadkii hore ee 2015ka.

PUNTLANDPOST

The post Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Dekeda Bosaso ku soo Bandhigtay Taag ay Jabuuti Ugu Deeqday Puntland. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>