Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in Sheekh Ciise Qassim uu ku takri falay xilka uu hayay, waxaana ay ku eedeysay in uu ka shaqeynayay kala qaybinta Muslimiinta iyo in uu u adeegayay danno shisheeye.
Qassim ayaa taageeray mudaaharaad ay wadeen Shiicada tirada badan ee dalkaasi oo dalbanayay xuquuqo iyo ka qaybgalka siyaasadda oo dheeri ah
Shiicadda Baxrayn ayaa ku doodda in ay faquuq kala kulmaan Sunniyiinta dalkaasi maamula.
Todobaadkii hore dawladda ayaa kala dirtay mucaaradkii ugu badnaa ee Shiico ah.
Mas’uuliyiinta dawladda Baxrayn ayaa iyaguna dhankooda sheegay in dalka Iiraan uu sanado badan hurinayay xiisadda ka taagan dalkaasi Jasiiradda ah.
Dawladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xidhay xafiisyada Wefaq National Islamic Society isla markaasna ay fadhiisisay hantidooda.
Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe
The post Dowladda Baxrayn Oo dhalashada kala laabatay wadaad caan ah oo ka tirsan Shiicada dalkaasi. appeared first on Puntland Post.