Dowladda Eritrea ayaa iyadu ka dhaqan duwanayd dhammaan ergooyinka shisheeye ee shirka fadhiya, marka aad ka eegto xiriirka ay la leedahay ergooyinka Soomaaliyeed iyo habka ay ula dhaqmayso, waxaa aad u yaraa saamaynteeda iyo xiriirka ay la leedahay shirka oo dhan, waxaa aad u koobnaa maalmaha uu safiirkeeda yimaado kulannada shirka.
Sida muuqatay Eritrea oo ka mid ahayd IGAD hadana dhamaan dalalka ay shirka wada maamulayaan mid ka mid ah iskuma fiicnayn, waxaana malaha u muuqday halis aysan afka ka sheegayn oo ay Soomaaliya ku sii socoto itaal ay wax kaga qaban kartana uusan jirin. Marka laga reebo Kenya iyo Uganda, waddammada kale ee shirka daadihinayay Eritrea waxaa ka dhexeeyay xurguf colaadeed ee ku salaysan xuduudah ama dano siyaasadeed, laakiin Kenya iyo Uganda ayaa siyaasad ahaan taageersanaa waddammada kale ee ay eirtrea colaadda ka dhexeyso, taasina waxay keentay inay Eritrea noqoto xubin siyaasad ahaan shirka fadhida laakiin ka go’doonsan waddammada ay hawsha shirka wadaagaan iyo inaysan shirka ka cayaarin kaalin aan ahayn goob-jooge indho-indhayniya oo keliya.
Wakiilka shirka u qaabilsan Eritrea isla markaasna ahaa xog-hayaha kowaad ee safaaradda Eritrea ku leedahay dalka Kenya Mr. Yohannes Berhe ayaa laga aqrisan karay sida aysan Eritrea ugu faraxsanayn hanaanka siyaasadeed ee shirka, waxaa aad u koobnaa maalmaha uu shirka ka soo qayb galo, mararka biririfta laga qaato shirka ama nasasho, cunto, ama salad laga aado Berhe wuxuu iska aadi jiray meel ka baxsan goobta shirka halka safiirrada kale ee IGAD ee shirka jooga ay wada shaahaynayeen ama meel gaar ah oo goobta shirka ka tirsan ay sheeko u wada galayeen.
Dabeecadda noocaas ah ee go’dominta ah ee Eritrea ay shirka kala kulantay waxay kor u qaaday tartanka ergooyinka shisheeyaha ah ee Soomaalida lagu kala kaxaysanayo, Eritrea markii ay aragtay in looga itaal roonaaday tartankii shirka gudihiisa ahaa waxay xoojisay xiriirkii ay la lahayd Muqdisho wadaaddada jooga iyo dhammaan inta kooxood ee Soomaali ah ee ka soo hor jeeday fara gelinta Itoobiya, runtii taasi waxay ahayd talaabo kale oo xagal daacin ku ahayd in wax horumar ah laga gaaro shirkii awalba fara-gelinta shisheeyaha ka dhaqaaqi waayay.
Eritrea, waxay jeclaan lahayd Soomaaliya ay waa taqaanay oo sideedii xor u ah inay soo noqoto, laakiin sidee?!..Soomaaliyadii cududdeeda ay taageerrada af iyo adinkaba ay ka heli jirtay intii ay ku soo jirtay halgankii gobonimmadeeda, Soomaaliyadii af iyo addinba u madax banaanayd, waxayna aaminsanayd in haddii qaran Soomaaliyeed dhismo ay iyadu yeelan karto culays siyaasadeed ee ay wax kula qaybsato Itoobiya iyo waliba saaxiib dhow.
Eritrea waxay bilowday inay urursato hoggaamiyeyaashii siyaasadeed ee aan saxiixa lahayn, ama xubnihii erggooyinka ka mdika ahaa ee magaca lahaa, waxayna yeelatay awood ay iyadana dhankeeda ka kariso dherigan la wada karinayo, waxay IGAD iyo ergooyinkii kale ee shisheeye ku cadaadisay in xubno badan oo ay barlamanka u diidanaayeen hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee saxiixa lahaa lagu soo daro barlamanka, awoodda noocaas ah ma ahayn mid ku gaar ah Eritrea ee waxaa kaloo sidaas yeelay UN-ta, iyo Jaamacadda Carabta..
Jaamacadda Carabta, talaabooyin badan oo la gudboonaa ama ay isku dayi karaysay oo waxaa jira aysan marna isku dayin, waxaa macquul ahayd maadaama qabqablayaashii oo dhan meel laysugu keenay fursddaas inay u adeegsato inay dhex marto dadkaan dagaalsan oo ay wax un isku daydo ama xataa u diyaariso barnaamijo dadkaan lagu barayo dowladnimmada iyo iyo la fahamsiiyo waxa ka maqan iyo dariiqa loo baahanyahay in loo maro….laakiin ma dhicin talooyinka iyo nidaamyada siyaasadeed ee khuburrada shisheeyaha ay shirka soo hor dhigayaan ee erggeda Soomaalida ah laga dhaadhicinayana waxba kuma aysan darsan jirin….
Wakiillada Jaamacadda Carabta shirka u fadhiyay oo waliba uu mid Soomaali ahaa Cabdallah (waan ka xummahay magaca hore oo keliya inaan ka hayo) iyo Saalim Al-KHuseimy waxay u ekaayeen inay yihiin niman eed ka carar ah, waxayn shirka ku joogeen si aan ninna culays ku hayn ama aan la dareemayn, annagoo ogsoon in erggedii Soomaaliyeed ee shirka fadhisay ay arrintoodu ahayd DHagax Taabasho Iyo Tuujin Waa Isugu Mid! Oo la ogyahay inaysan cid kasta oo isku dayda inay wax u qaybso ama u gar qaado aysan waxba ka yeeleen, oo shirka laf ahaantiisu uu ku socday inta waraaqo la soo hor-dhigo iyagoo ganuunacaya in laga saxiixo haddana ergadda Jaamacadda Carabta waxaa lagu dhaliili karay mar keliyana wax xil ah iska saarin arrimaha shirka iyo erggeda Soomaaliyeed.
Waxaa iyagana shirka joogay labo erggey oo ka socday dowladda Masar oo inta badan shirarka ka soo qayb geli jiray, laakiin dhibaatada ugu weyn ee jirtay waxay ahayd inaysan wax saamayn ku yeelan erggada Soomaalieed ee shirka fadhisay, waayo iyaga iyo Djibouti waxaa loo arkaayay inay shirkaba u yimaadeen inay dowladdii markaas xilka haysay ee Carte xilka dib ugu soo celiyaan, waxayse uga duwanaayeen Jaamacadda Carabta inay saamayn muuqata ku dhex lahaayeen erggeda kale ee shisheeyaha ahasa yeeshee waxay xoogga saareen oo keliya hawsha ay shirka u yimmaadeen oo ahayd in in dowladdii uu madax-weynaha ka Cabd-Ul-Qaasim Salaad Xasan ku soo celiyaan xukunka, waxayse dhaammeen dowladda Djibouti oo iyadu ahayd dowladda keliya ee uu erggeygada shirkaas intuu socday ka crooday oo ka baxay!… oo waayo?!
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XVI) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.