Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hal ruux oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Magaalada Garissa

$
0
0

Hal qof ayaa ku geeriyooday saddex kalena dhaawacmeen weerar Miino  ah oo lala eegtay gaari Ambulance ah oo marayay inta u dhexeysa degaannada Huluuqo iyo Sangailu oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Gaarigaan Ambalaaska ah oo laga leeyahay Isbitaalka Deegaanka Huluuqa ee duleedka Magaalada Garissa, ayaa waxaa  ku dhaawacmay saddex ruux oo la socotay iyo wadihii gaariga oo dhintay.

Ninka dhintay ayaa ahaa wadihii gaariga oo lagu magacaabi jiray Cabey Dhuubow, halka saddexda ruux ee dhaawacmay ay kala ahaayeen Labo Shaqaale Isbitaalka ka shaqeysa iyo Arday.

Maamulka Cusbitalka guud ee degaanka Huluuqo ayaa Boliiska ku wargeliyay dhacdadan, iyadoo laamaha ammaankuna ay rumeysan yihiin iney falkani ka dambeeyeen ururka Al-shabaab.

Al Shabaab ayaa shalay Duleedka Mandheera waxa ay ku dileen Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

PUNTLAND POST

The post Hal ruux oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Magaalada Garissa appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>