Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin: Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaarey magaalada Baydhabo

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo ka kooban labada gole ee dawladda Puntland iyo Madaxtooyada ayaa maanta 22-Jun-2016 gaadhey magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka kumeel gaarka ah ee Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo si aad u heer sarraysa ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed, labada gole  ee maamulka Koonfur-galbeed iyo Boqollaal dadweyne ah kuwaas oo muddo dhowr saacadood ah Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sugayey Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wafdigiisa intaasi ka dib waxaa loosoo gudbiyey xarunta Madaxtooyada maamulka koonfur galbeed halkaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha dawladda Puntland ee Baydhabo ayaa salka ku hayey ka qayb galka shirka Madasha wadatashiga oo galabta  ka furmi doona magaalada Baydhabo isla markaana looga arrinsan doono halka looga dhaqaaqi doono meeshaan maanta la joogo.

Sidoo kale shirka ayaa lagu lafa guri doono dardar gelinta hawlaha horyaalla guddiyada doorashooyinka ee dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah kuwaas oo dhabbaha u xaadhaya soo xulista xildhibaano cusub oo ku yimaadda metelaad shacbi oo dhab ah.

Shirka aya socon doona muddo saddex berri ah waxaana la qorshaynayaa in laysla meeldhigo dhammaan qodobada qabyada ah ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September ee foodda inagu soo haya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_6771 IMG_6772 IMG_6774 IMG_6778 IMG_6779 IMG_6780 IMG_6782 IMG_6783 IMG_6784 IMG_6785 IMG_6789 IMG_6790 IMG_6791 IMG_6793 IMG_6795 IMG_6800 IMG_6802 IMG_6804 IMG_6805 IMG_6806 IMG_6810 IMG_6813 IMG_6816 IMG_6817 IMG_6818 IMG_6819 IMG_6820 IMG_6825 IMG_6829 IMG_6830 IMG_6831 IMG_6832 IMG_6833 IMG_6834 IMG_6835 IMG_6836 IMG_6837 IMG_6861 IMG_6865 IMG_6869 IMG_6874

The post Warbixin: Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaarey magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>