Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xulka Iceland Oo Markii Ugu Horaysay U Soobaxay Wareega 16,ka Ee Koobka Qaramada Yurub .

$
0
0

Xulka Iceland ayaa si taariikhi ah ugu soo baxay wareega 16ka ee Euro 2016 waana markii ugu horeysay abid ee ay ka qeyb qaataan tartanka qaramada Yurub dalka yar ee ay ku nool yihiin kaliya 330 kun ruux.

Iceland ayaa 2-1 kaga badisay xulka Austria kulankii ugu danbeeyay ee Group F Arnor Ingvi Traustason uu goolka guusha u dhaliyay waqtigii dhimashada ciyaarta, taasoo Iceland u xaqiijisay inay kaalinta labaad kaga soo baxaan Group F.

Kaalinta koowaad waxaa ku soo baxday xulka Hungary kuwaasoo barbaro 3-3 kala kulmay Portugal kuwaasoo iyagana ku soo baxay mid ka mid ah afarta xul ee ugu fiican xulalka kaalimaha seddexaad ee Euro 2016.

Iceland waxa ay wareega 16ka la ciyaari doonaan xulka Group B kaalinta labaad kaga soo baxay ee England iyadoo dalka yar ay haatan taariikhda kubada cagta Yurub meel weyn ka galeen.

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garowe

The post Xulka Iceland Oo Markii Ugu Horaysay U Soobaxay Wareega 16,ka Ee Koobka Qaramada Yurub . appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>