Kismaayo:(pp)- Wafti Kismaayo gaarey 26 May ayaa ku guul dareystey inay gudaha kismaayo u galaan, kuwaas oo garoonka kula kulmey Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Gen Ismacil Fartaag oo uu u sheegey inaysan u ogoleyn gudaha magalada oo ay usoo gudbaan.
Waftiga oo ka koobnaa saddex wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Federalka Somalia ayaa muqdisho kasoo duuley waxaana hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhiga DF, lamana garanayo ujeedada Kismayo u aadeen , midaas oo ahayd mid aan horey looga warqabin ambabixitaankooda iyo qorshaha socdaalkooda.
Muddo ka badan 20 saacadood ayay garoonka ku sugan yihiin, xilli diyaaradii sidey waftiga ay dib ugu laabatey Muqdisho, waxaana hadda sida muuqda ay noqon doontaa in dib loogu soo celinayo halkii safarkoodu kasoo bilowday oo ahayd Muqdisho.
“Waxay tani u muuqaneysaa ceeb iyo feexad Madaxda DF ay ku doonayaan inay ku wajahaan khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Jubaland, halkii ay ka aabri lahaayeen wada hadal dhexmara ” ayuu yiri mid ka mid ilo wareedyada aanu la hadalney.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dib Muqdisho loogu celiyo wafuud laga soo direy Madaxtooyada Villa Somalia, taasi oo uu maamulka Kismaayo sabab uga dhigay inay ku timid madaxda DF oo inkirsan jiritaanka Jubaland iyo cidda gacanta ku haysa Kismaayo oo ay ka meer meereyso DF lasoo socodsiinta wafuud Kismayo loo soo dirayo.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan , walow uu jiro dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhex socda Maamulka Jubaland iyo Dhinacyo kala duwan oo Madaxda DF Somalia daaha gadaashiisa ka maamulayaan.
Kala soco Puntlandpost wararka waftigaas iyo xaalada Kismaayo.