Washington (Puntlandpost)—Madaxweynaha Dowlada Mareykanka, Barack Obama ayaa ugu baaqay Madaxda Kenya in aysan ku fududaan xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.
Isagoo qadka taleefanka kula hadlayay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Madaxweyne Obama waxuu sheegay in Kenya looga baahan yahay taageerida Qaxootiga Soomaaliyeed.
Madaxweyne Obama iyo dhigiisa Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa isku raacay in labada Dowladood ay iska kaashadaan arimaha ku qotoma Qaxootiga ku nool Xerada ugu weyn Aduunka ee Dhadhaab.
Isagoo dhawaan Xubno ka socday Golaha Amaanka ee QM kula kulmayay Magaalada Nairobi ayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxuu sheegay in go’aanka lagu xirayo Dhadhaab uu yahay mid horey loo gaaray.
Dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa dib u celinta 600,000 oo Qaxooti kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu nool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma oo ku yaalla Dalkaasi Kenya.
Puntlandpost
Washington
The post Madaxweyne Obama oo Uhuru Kenyatta kala hadlay arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed. appeared first on Puntland Post.